Buulo Burde,(insidesomalia.org)-Ciidamadii dhawaanahan ku sugnaa Degmada Buula Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa isaga guuray Saaka waaberigii, iyagoo u ruuqaansaday dhanka Deegaanka janta kun dishe ee Gobolkaasi.
Ciidmada Itoobiyaanka ee ku dhawaadka labada Bilood ku sugnaa afaafka Magaalada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay saqdii dhexe isaga guuray waxaana dadka deegaanka Buulo Barde ay xaqiijiyeen in ay cagaha saareen wadada dheer ee isku xirta
Dadka ku dhaqan degaanka Janta kun dishe ayaa walwal xoogan ka muujiyay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Deegaankooda, kuwasi oo ka cabsi qaba in dagaal ay isaga hor yimaadaan Ciidamadaasi Itoobiyanka iyo xoogaga ka soo hor jeeda.
Dhawaanahanba waxaa jiray in ay dagaalo isaga hor imaanayeen Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga ka soo hor jeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya oo ku dhex marayay Gobolada Dalka Gaar ahaan Gobolka Hiiraan.
Dhoowr mar ayeey Ciidamada Itoobiya galeen kana soo bexeen Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan lamana oga in ay ku soo laabanayaan iyo in ay sidaasi uga sii guureen.